Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editor: Podcast
  • Duración: 44:57:15
  • Mas informaciones

Informações:

Sinopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/11/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan soo jeedinta dowladda ee xarun ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay magangalyo-doonka.Sida uu qoray SVTWixii ka dambeeyay dooddii toddobaadkan ee la xiriirtay suurtagalka in dalkan lagu meeleeyn karo hubka halista ah ee Nukliyeerka marka dalkani uu xubin ka noqdo ururka gaashaanbuurta Nato ayuu wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen.Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/11/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxaabbiista Daacish (IS) oo xaladdoodu mugdi gashay, ka dib go'aankii iska fogaynta ahaa ee ay xukuumadda Sweden ka qaadatay ururrada Kurdidyiinta YPG iyo PYD. Ururradaan ayaa dalbaday in ay Sweden dhakhso u qaadato muwaaddiniinteeda maxaabbiista ah.Dawladdu waxay meesha ka saartay gunnada cimilada ee baabuurta, tusaale ahaan taageerada dhaqaale ee ay dadku ku iibsan karaan baabuur koronto oo cusub. Ku dhawaaqista ayaa timid hal maalin ka hor inta aysan dhamaanin waqtigii gunnadan. Iyo warar kale oo xiiso leh

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    09/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta, ayaa loo fariistey dhegeysi dacwad dil ah oo loo haysto eedeysane Theodor Engström. Waxaa dhegeysiga dacwadda sidoo kale soo xaadirtay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie lööf'Shirkadda taareenadda ee SJ ayaa wajahaysa dhibaatooyin soo foodsaaray boggeeda internetka. Dawladda Kulankiihoggaamiyeyaasha Iswiidhen iyo Turkiga ee shaleyto.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    08/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shalay ayaa waxaa timid qaylo dhaan ku saabsan kiimikooyinka ku jira biyaha la cabbo ee xaafadda Unnaryd ee Småland. Biyaha dhalada ku jira ee la'iibiyo ayaa hadda ka dhammaanaya dukaamada nawaaxiga.Labadii haween ee ku jirey ruumaanka ayaa lagu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen faldembiyeed dilkii gabar 21 jir ahayd iyo rabshadeeyn meeyd ee ka dhacay degmada Vetlanda, sida uu sheegay xeerilaaliye Adam Rullman oo u warrammay wargeeyska Vetlanda Posten. Iyo warar kale

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/11/2022 Duración: 03min

    Shirkii cimilada caalamka oo ka furmay maanta dalka Masar iyo Ulf Kristersson oo ka hadlay. Tuhunkii faldembiyeedka ee looga shakisnaa laba haweeney kadib markii la heley meeydka garbar la la'aa degmada Vetlanda oo kor u kacay, inkastoo haeenkaasi iska dheereeyeen tuhunkaa. Saddex musharrax ayaa isu soo taagay hoggaanka xisbiga Centerpartet marka ay xilkaasi ka degto Annie Lööf.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    03/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gorgortanka heshiiska mushaarka iyo shuruudaha shaqada ee dhex marayey ururrada shaqaalaha iyo midka shaqa bixiyeyaasha, ee ku saabsan mushaar kordhinta shaqaalaha mushaarka hoose qaata, ayaa noqon doona mid aad u kadeedan.Xukuumadda Iswiidhen ka talisa ayaa hoos u dhigi doonta sannadka foodda innagu soo haya qaxootiga uu dalkani ka soo qaato dalka dibaddiisa.Qayladhaan ka soo yeertay ururka kubadda kolayga ee galbeedka Sweden, iyada oo dhawr todobaad kaliya kasoo wareegatay furitaanka cayaaraha sanadlaha ee caruurta iyo dhallinyarada.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    02/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Deeymaha lagu leeyahay dhallinyarada ayaa si xawli ah u sii kordhaya, iyada oo ah xaalad si aad ah ugu badan haweenka dhalinyarada ah.Wiil dhallinyaraa ayaa booliisku qabteen ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guri ku yaal Dalsland. Booliiska ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo wargeliyey dagaalka guriga ka socda, ka dib markii telefoon loo diray.Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ciidanka ammaanku kor u qaaday ilaalinta waddooyinka iyo suuqyada wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii qaraxyada ee sabtidii ina dhaaftay, halkaas oo ey ku geeriyoodeen dad boqol kor u dhaaftay in ka badanna ey ku dhaawacmeen.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    01/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo magaalada Helsinki kaga qayb galaya kulanka golaha waddamada waqooyiga Yurub, ayaa yiri Sweden waa inay u aragto haysashada Nato hub nukliyeer ah, in ay tahay sugnaan amni. Imtixaan kii hore ka casrisan iyo aqoonsiga oo aan wadaha taxiga magaciisa lagu qorayn ayaa ah labo isbaddel oo saamaynaya wadayaasha taxiyada laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha november, sida uu sheegay Hoggaanka gaadiidku.Qarax sabtidii ina dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ey ku geriyoodeen 119 qof 10-an kalena la la'yahay, halka dhaawucu yahay 324 qof ayuu ku naf waayay Cabdullaahi Jaamac Cali oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisu, ku dhaqnaayeen magaalada Borlänge wixii ka dambeeyey sannadkii 2015 kii.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    31/10/2022 Duración: 03min

    Ururka daladda shaqaalaha warshadaha oo shuruudeeyey mushaarkordhin 4,4% sannadka 2023. Xaaladda dhaqaale ee dalka oo hoos u dhici doonta sannadka foodda innagu soo haya sida ay shir jaraa'id ku sheegtay Elisabet Svantesson (M), wasiirka dhaalaha Iswiidhen. Mas toddobaad la raadinayey oo dib loo heley.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/10/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 16 ka ahaa ee lagu dilay fiidnimadii salaasadii ina dhaaftey degmadda Sandviken ayaa laanta SVT ay wareysatey Jesper Raitamaa oo ahaa ninkii ugu horeyey oo helay dhaawac wiilkan.Carwadda xayawaannada ee Skansen waxa ay sheegtay in ay heshay maskii la waayey , boqorkii cobra ahaa oo ka soo baxsaday goobtiisii sabtidii hore iyo Warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    27/10/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Shiinaha ayaa laga war helay in ay magaalada Stockholm ku leedahahay xarun isku-dubbarid oo lagula socon karo dadka shiinees ee dibad jooga ah. Sida ay qortey wakaaladda wararka Iswiidhen ee TTLaba albaab oo ka mid ah daaraha ku yaala koonfurta magaalada Eskilstuna ayaa xabbado lala beegsaday, sida ciidanka ammaanku ku qoray shaashaddaa boggiisa. Iyo warar kale.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/10/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo Arbaco ah ayaa la qabtay dooddii ugu horreysay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada baarlmaaniga ah ka dib doorashadii guud. Doodan ayaa ku saabsanayd arrimo badan oo la xiriira doorarka cusub ee xisbiyada dalka.Waddo baaskiilladu maraan ee ku taala degmada Sandviken ayaa Wiil 16 jir oo la toogtay laga heley fiidnimadii salaasadii shalay. Iyo warar kale.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/10/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaan sannadkan sidoo kale lagu casumin xafladda bixinta billadaha nobeelka oo 10-ka bisha diseembar ka dhici doonta magaalada Istockholm.Wasiirka difaaca cusub ee Iswiidhen Pål Jonson ayaa aaminsan in dowlada cusub ay heysato fursad wanaagsan oo ay ku hirgelin karto codsiga Iswiidhen ee ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO marka loo eego fursaddii dowladdii hore iyo gawaari labaatameeyo gaareeysa dab lagu abadsiiyey magaalada Malmö.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/10/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dawladda ayaa dooneysa in la dheereeyo xilligii loogu talagaley taageerada ku meelgaarka dhaqaale ee guryaha qoysaska carruurta leh.Hay'adda qaan ururinta ee Koronfongden ayaa kala wareegtey, dad qaan lagu lahaa silsiladdo dahab ah, jaakado qaali ah, lacag caddaan ah iyo gawaari tan iyo kowdii bishii Ogosto, kolkaas oo uu dhaqan galay sharci cusub. Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    21/10/2022 Duración: 03min

    Waxaa iminka caddaatay iney dalka Turkiga kulan ku wada yeelan doonaan madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson (M) iyo madax-weynaha dalka Turkiga Erdogan. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa waxaa gacantiisa ka baxay maamulka degmada Sölvesborg ee gobolka Blekinge. Booliska ayaa joojiyey raadinta gabadhii Tove ee lagu waayey agaagaarka Vetlanda.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    20/10/2022 Duración: 03min

    Raysuul wasaraha cusub ee dalka Iswiidhan Ulf Kristersson ayaa rajaynaya in uu si degdeg ah ugu biiro gaashaan buurta NATO. Hayadda difaaca madaniga iyo diyaar garoowga ayaa asbuuca soo socda warqado warbixin ah u diri doonta 120 kun oo ah dhallinyarada dadoodu 16 jir tahay ee ku nool Sweden.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    19/10/2022 Duración: 03min

    Shirkadaha guryaha Malmö ayaa bilaabay in ay qariyaan magaca cidda doonaysa in ay guri ka kiraysato, si looga fogaado in dadka aan magacyada iswidhiska ahayn la faquuqo. Kor ayay u kaceeysaa tirada dadka booqashada ku taga rugaha gargaarka degdegga ee caafimaadka, waana mid qaadata wakhti ka badan kii hore. Dacwooyinka booliska loo gudbiyo ee ku saabsan dembiyadda mindiyaha loo adeegsado, ayaa ku soo badanaya gobolka Dalarna.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    18/10/2022 Duración: 02min

    Wararka maanta ayaa dhammaan ku saabsan soo bandhigiddii dawladda cusub ee Iswiidhen oo salaasada maanta lagu dhawaaqey.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    17/10/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Baarlamaanka Iswiidhen ayaa hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ugu codeeyay maanta inuu noqdo  ra'iisul wasaare dalka.Xubnaha xisbiga Liberalrna ee gobolka Istockholm ayaa qoraal ay ku dhaleecaynayaan hoggaanka xisbiga iyo heshiiskii "Tidöavtalet" oo wata magaca goobtii ku dhacay, soo saaray, sida uu qoray wargeeyska Svenska Dagbladet.Muddo sannado ahba waxaa hoos u sii dhacayey tirada qoysaska carruurta leh ee guryaha laga saaro. Lixdii bilood ee sannadkaan u horreeysay ayey 269 carruur ahi waxay noqdeen hoy la'aan ka dib markii waalidkood guryihii laga saaray.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/10/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlammaanka Sweden Andreas Norlén ayaa maanta war saxafadeed uu qabtay awuxuu uga warramay geeddi socodkii ay soo martay hawsha xukuumad dhisidda ka dib doorashii dhacday 11 septemberGuri la xabadaeeyay saakay aroortii oo ku yaal Lunden oo dhacda bariga Göteborg ayaa waxaa deggen haweeney boolis ah sida uu soo tebiyey P fyra. Göteborg, iyo warar kale.

página 41 de 50