Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/09/2024 Duración: 02minMa jiri doonto cid sharci kale loo eegayo marka loo eego xeerarka shaqaalaha soo galootiga ah ee ka shaqeeya Northvolt. Xukuumadda ayaa dooneysa inay xaddido gunooyinka qoysaska waaweyn, waxayna hadda dooneysaa in la baaro arrintan. Hay'adda saadaasha hawada ee SMHI aya digniin ka soo saartay roob badan oo ka da'aya koonfur-bari Iswiidhen maanta.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/09/2024 Duración: 02minWakiilada baarlamanka ee cadaaladda ayaa dhaleeceyn culus u jeediyay guddoomiyaha gobolka Stockholm, Anna Kinberg Batra. Degmooyinka Iswiidhen ayaa sanadkii hore lacag dhan 200 milyan oo karoon siisay shirkado maamula guryaha dhallinyarada lagu haayo ee loo yaqaan HVB. Nin 40 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii uu si qarsoodi ah filim uga duubay gabdho wax ka baranayay iskuul ku yaala Karlstad oo uu ka shaqayn jiray.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/09/2024 Duración: 02minHowlgallo wadajir ah oo ka dhacay Stockholm iyo dalka Latvia, ayaa waxaa shalay lagu xiray siddeed qof oo looga shakisan yahay inay galeen dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Dad badan ayaa ku jeeda haya'adda qaabilsan qasab ku urruurinta deymaha ee Kronofogden si ay lacag uga helaan shirkadda Northvolt oo ay dhibaatadu saameysey. Guryaha dhalinyarada lagu hayo ee HVB ayaa loo baahan yahay in si wanaagsan loo baaro.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/09/2024 Duración: 02minWiil aan weli qaangaarin ayaa lagu ridey xukun xabsi daa'in ah in uu dil geeystay, markuu xabsiga dhammeeystana dalka laga masaafuriyo. Xukuumadda ayaa u saartay guddi masiibo shirkadda Northvolt, middaasi na oo ka dambeeysay shaqaalaha badan ee lagu wargeliyey in shaqada laga fariisin doono. Maamulka degmada Stockholm ayaa iminkana go'aan ku gaaray inuu joojiyo taageeradii dhaqaale ee ururka Ibn Rushd.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/09/2024 Duración: 02minKobaca dhaqaalaha, oo lagu cabbiro GDP, ayaa kor u kacay 0.9 boqolkiiba sanadkan iyo 2.3 boqolkiiba sanadka soo socda marka loo eego saadaasha. Xisbiga Liberalerna ayaa doonaya in la baabi'iyo qiimeynta shahaadada-F ee dugsiga sare, taa oo dad badan ka reeebta dugsiga sare. Sannadkan, markii ugu horreysay mawduuca bandhigga buugaagta ayaa noqonaya mid ku saabsan suugaanta iyo dhaqanka qowmiyadda Saami-ga.
-
Wararka maanta ee Radio Sweden
20/09/2024 Duración: 02minQof ayaa la qabtay oo loo xiray shaki la xiriira inuu qeyb ka geeystay dil kadib toogashadii ka dhacday Hallstahammar. Orwa Kadoura oo xubin ka ahaa xisbiga Vänsterpartiet ayaa ka tagay xisbiga iyo Maamulka Gobolka Östergötland. 26 eey oo geerida loo fududeeyey kadib markii la heley iyaga oo dayac la liita.
-
Wararka maanta ee Radio Sweden
19/09/2024 Duración: 01minNin ka tirsan ciidanka boliiska magaalada Malmö ayaa loola cararay isbitaalka ka dib markii madaxa jug laga gaarsiiyey isagoo howlgal ku jiray. Maxkamadda Racfaanka ayaa xaqiijisay xukunka maxkamadda hoose ee xabsi daa'in ah oo lagu riday labadii nin ee rasaasta furay. Filinka Filip iyo Fredrik ee 'Den sista resan - safarkii ugu dambeeyay' ayaa noqon doona kan Sweden u matali doona tartanka abaalmarinta Oscar-ka.
-
Wararka maanta ee Radio Sweden
18/09/2024 Duración: 02minIllaa iyo imminka ma jiraan wax war ah oo ku saabsan dhaawac ama dhimasho ku yimid muwaadiniinta iswiidhishka ah ee ku sugan Lubnaan oo la xiriira qaraxyadii shalay ka dhacay halkaas, Diyaarad siday wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka cadaaladda oo ku sii jeedday Ankara ayaa lagu khasbay inay ku soo laabato garoonka diyaaradaha Arlanda,Stockholm. Heeyadda saadaalinta hawada oo bixisay digniint jaallaha.
-
Wararka maanta ee Radio Sweden
17/09/2024 Duración: 02minXubinta cusub ee hoggaanka cusub ee ururka Midowga Yurub - u meteli doonta Sweden Jessika Roswall (M) ayaa la soo jeediyey inay mas'uul ka noqoto arrimaha deegaanka. Xafiiska shaqada ayaa ku wargeliyey 228 ka mida shaqaalihiisa in shaqada laga eryi doono, sida lagu sheegay war-saxaafadeed. Waxa soo baxday warbixintii magaalooyinka martigelin doona Melodifestival-ka sannadka soo socda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/09/2024 Duración: 02minSweden ayaa hoggaamin doonta saldhig cusub ee Nato oo laga dhisi doono waqooyiga dalka Finland. Toddoba qof ayaa maxkamad loo soo taagey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta rabshado culus oo la xiriira ka hortag bannaanbax oo xagaagii sannadkii hore ka dhacay nawaaxiga Järva xafladdii dhaqanka ee eriteriyaanka, Laga bilaabo kala guurka sannadka waxaa la joojin doonaa in qashinka lagurido sigisyada. Degmada Kalmar oo laga doonayo inay dib u soo celiyo ku dhowaad lix malyan oo karoon.
-
Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
13/09/2024 Duración: 03minGuddoomiyaha gudd-hoosaadka cadaaladda ee baarlamanka, Richard Jomshof kana tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa si ku meel gaar ah uga fadhiistay howshiisii. Maanta ayaa la aasay tababarihii hore ee kubbada cagta Sweden Sven-Göran ee lagu naanaysi jiray Svennis. Bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya ayaa la qaadi doonaa dacwadda maxkamadda ninkii kutubta qur'aanka gubi jiray. Lix sano kadib ayay Ellen Bolin oo ku dhaqan magaalada Kalmar dib u heshay baaskiilkeedii laga xaday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
12/09/2024 Duración: 02minShaqo la'aanta oo dalka ku sii kordheysa . Dadka iswiidhishka ee u safra dalka ingiriiska ayaa lagu soo rogeyaa iney bixiyaan lacag gaareysa 130 karoon laga bilaabo bisha abriil ee sannadka 2025. Tababar NATO oo ka socda Iswiidhen. Magaalada Göteborg xaq uma laha inay go'aansato qaadacaadda alaabooyin laga keeney dalal kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/09/2024 Duración: 01minCalaamadda biloowga xilliga dayrta ee la hubo ayaa ah nooca shimbirta loo yaqaano booloboolada ku hakada ama joogsada balliga Hornborga iyaga oo u sii socda dhanka koonfureed. Xukuumadda ayaa nidaamka sharciga caddaalada (garsoorka) u qoondeenayso lacag dhan 3.5 bilyan oo cusub oo miisaaniyadda sanadka soo socda ah. Waxaa shalay magaalada Koobanheegan ee caasimadda dalkaasi Denmaark lagu xiray wiil 18 jir ah oo Iswidhish ah, kaas oo lagu eedeeyay isku day dil iyo dambiyo hub ah
-
Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
10/09/2024 Duración: 03minMadaxda ayaa ugu khamri cab badan, marka loo barbardhigo dhammaan xirfadleyda kale oo dhan. Laba kiis oo ah cudurka jadeecada ayaa aakhirkii bishii agoosto laga heley cusbitaallada magaalooyinka Luleå iyo Piteå. Lacag sunuud ayh oo ka sameeysan qalin oo carab ah, kana soo jeeda qaniyadii 800 ama 900 ayaa laga heley agagaarka Lummelunda ee jasiiradda Gotland.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
09/09/2024 Duración: 02minWasiirka sinnaanta Paulina Brandberg (L) waxay doonaysaa in shaqaalaha dugsiyada barbaarinta ay u soo gudbiyaan warbixin marka carruurta yaryari ay xiran yihiin xijaabka. Qiimaha Batroolka, Naaftada iyo Naaftada biodieslka ayaa hoos loo sii dhigay Isniintii. Hogaamiye kooxeed si caalami ah loo baadi goobayay muddo saddex sano ah, ayaa Jimcihii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/09/2024 Duración: 02minQof ayaa la qabtay loona xiray isaga oo looga shakisan yahay dambi argagixiso oo ka dhacay Iswiidhen maalinta Arbacadii. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa taageeray soo jeedinta ah in carruurta da'doodu ka yar tahay 15 sano awood loo yeelan karo in la dhageysto taleefoonnada inta lagu jiro dembi baarista. Sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray qeeybta baasaboorada ee hay'adda booliska Iswiidhen ayaa lagu soo oogay dacwad.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/09/2024 Duración: 02minIswiidhen ayaa ku guuleeysatay billaddii labaad ee tartammada ciyaaraha Paralympikada ee ka socda magaalada Baariis. Laba dhallinyaro Iswiidhish ah ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil oo ka dhacay dalka Denmark. Wakiilka ka hortagga takoorka ee magaciisa loo soo gaabiyo DO ayaa helay siddeed eedsheegad ah oo ku saabsan cuntada iskuulaadka laga cuno.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/09/2024 Duración: 02minWiilashii da'da yaraa ee dhaawacyada culusi ka soo gaareen biriqdii ku dhacday oo caafimaadkoodu ka soo wanaagsanaaday. Wiil da'yar ah oo dhigta dugsi hoose dhexe oo ku yaalla degmada Huddinge oo saaka toogasho lala beegsaday. Kuleeylkii cadceedda ee abid ugu kululaa taariikhda Swedene bisha sebteember 31,1 digrii.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/09/2024 Duración: 02minXukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna, (SD) ayaa maanta shir ku soo bandhigey qorshe la xiriira miisaaniyadda deyrta. Boliiska degmada Eskilstuna ayaa go'aansaday inuu laba goobood ku soo rogo xeerka goobaha ammaanka ah. Amiirad Sofia iyo seeygeeda amiir Carl Philip ayaa sugaya ilmo hor leh oo u dhasha, sida lagu qorey shaashadda qasriga boqortooyada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/09/2024 Duración: 02minBooliska magaalada Malmö ayaa bilaabay howlgal gaar ah oo ay ugu magacdareen 'Albert', sida uu qoray wargeyska Aftonbladet. Nin booliis ah ayaa waxaa baaraya rugta xeer ilaaliyaha gaarka ah ka dib markii uu casuumaad xiriri jinsi u diray haweenka da'da yar ee nugul, kuwaas oo uu la kulmay isaga shaqadiisa ku jira. Iibka gawaarida cusub ayaa hoos u dhacay, sida uu shegay ururka warshadaha ee Mobility Sweden.